Hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya oo dib u bilaabay wadahadalada doorashada

Kulanka Muqdisho. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kulan ku saabsan doorashada oo u dhaxeeya Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay caasimada Muqdisho.

Kulankan oo sii socon doona ayaa diirada lagu saarayaa hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September la saxiixay, sida uu sheegay afhayeenka raysulwasaare Rooble.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wakhtigiisii 4-sanno ahayd uu dhammaaday ayaan ka qeybgalin kulanka kadib markii horantii bishan May uu sheegay in uu Raysulwasaaraha uu ku wareejiyay hanaanka doorashada.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa khilaaf ka taagnaa hanaanka doorashada, taasoo keentay in baarlamanka wakhtigiisu dhammaaday ay sheegaan in muddo labbo sanno ah ay dowladda ugu dareen si loogu diyaagaroobo doorasho qof iyo cod, taasoo keentay cambaarayn weyn oo ka timid saaxiibada Soomaaliya oo sheegay in aysan marna taageeri doonin wax ku darsi ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*