Sawiro lagu daabacay warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada ayaa muujiyay kolonyada oo ay kamidyihiin dhowr gaari cad oo nooceedu yihiin SUV iyo kuwo kale oo si xun waxyeelo u soo gaartay.
Gaariyaal qaraxa ku waxyeeloobay. [Isha Sawirka: Twiiter]Goobjoogayaal ayaa Reuters u sheegay in weerarku uu ka dhacay meel u dhow waqooyiga laga soo galo buunada Kober, taasoo isku xirta waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada, halkaas oo uu kuyaal xafiiska Hamdok.
Kolonyada ayaa u muuqata in laga bartilmaameedsaday korka, wararka ayaa intaas ku daray.