Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin oo sheegay in heshiis xabad-joojin ah laga gaaray colaada Suuriya

Colaada Suuriya ayaa bilaabmatay xilligii ay bilaabmeen kacdoomadii Guga Carabta ee 2011-ka, balse waxay si buuxda oo dhaqso ah isugu badashay kacdoon hubaysan. [Sawirka: AFP]
Colaada Suuriya ayaa bilaabmatay xilligii ay bilaabmeen kacdoomadii Guga Carabta ee 2011-ka, balse waxay si buuxda oo dhaqso ah isugu badashay kacdoon hubaysan. [Sawirka: AFP]
Moscow-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in heshiis xabad-joojin ah laga gaaray dalka Suuriya, heshiiskaas oo ay taageerayaan Ruushka iyo Turkiga.

Wakaalada wararka Suuriya ee SANA ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in heshiiska xabad-joojinta ah laga reebay kooxda ISIS iyo jabhada Fatxu Al-Shaam oo horey loo oran jirey Al-nusra.

Putin ayaa sheegay in xabad-joojintu ay bilaabmi doonto saqda dhexe ee caawa oo Khamiis ah, lana raaci doono wadahadalada nabada ee u dhaxeeya Madaxweyne Bashar Al-assad iyo mucaaradka oo ka dhici doona caasimada dalka Kazakhstan ee Astana.

Sidoo kale waxa uu sheegay in milatariga Ruushka lagu amray in ay ku sugnaadaan saldhigooda gudaha dalka Suuriya, halkaas oo ay  taageero muhiim ah ku siiyaan xoogaga Assad.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibada Turkiga ayaa cadaysay heshiiska waxayna ugu baaqday wadamada ku lugta leh kooxaha ku dagaalamaya gudaha Suuriya in ay taageeraan xabad-joojinta.

Colaada Suuriya ayaa bilaabmatay xilligii ay bilaabmeen kacdoomadii Guga Carabta ee 2011-ka, balse waxay si buuxda oo dhaqso ah isugu badashay kacdoon hubaysan.

In ka badan nus milyan qof ayaa ku dhimatay colaada Suuriya tan iyo bishii Maarso, 2011-kii, sida ay sheegtay Qarmada Midoobay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*