Diyaarad milatari oo Ruushku lahaa oo ku burburtay Badda Madow

1fe075320f544822a0bc37380399faaa_18
Diyaarada ayaa nooceedu ahaa Tu-154, oo ahayd saddex matooray ay sameeyeen Midowgii Soofiidka. [Sawirka: Twitter]
Moscow-(Puntland Mirror) Diyaarad milatari oo Ruushku lahaa oo ay saarnaayeen 91 qof oo ay kamidyihiin suxufiyiin iyo xubno caan ah oo katirsan ciidamada ayaa ku burburtay Badda Madow maanta oo Axad ah wax yar kadib markii ay kacday, sida ay sheegtay wasaarada difaaca Ruushka.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan cid ka badbaaday shilka diyaaradaas.

Diyaarada ayaa kusii jeeday saldhiga Ruushka uu ku leeyahay gudaha Suuriya ee Latakia, waxayna siday 81 qof oo rakaab ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka ee Interfax.

Diyaarada ayaa nooceedu ahaa Tu-154, oo ahayd saddex matooray ay sameeyeen Midowgii Soofiidka.

Kooxaha badbaadada ayaa Badda Madow ka wada baaritaan ay ku baadi goobayaan burburka diyaaradda.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*