Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmi doona dhiggiisa Kenya

MadaxweyMadaxweynaha Soomaaliya oo la kulmi doona dhiggiisa Kenyanaha Soomaaliya oo la kulmi doona dhiggiisa Kenya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay martiqaad uu u fidiyay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyata in uu Nairobi booqasho ku tago.

Martiqaadka ayaa waxaa u gudbiyay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’I kaasoo safar ku yimid Muqdisho Axadii. Balse lama sheegin wakhtiga uu noqon doono safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi doono Kenya.

Asbuucii hore, Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadahadal ku yeeshay khadka taleefoonka waxayna isku afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan sugida xuduuda u dhaxeysa labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay bayaanka.

Wadahadalkan ayaa yimid labo maalin kadib markii dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyo taageersan wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu ka dhacay magaalada Beled-Xaawo oo kutaala xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa khilaafkoodu meel sare gaaray kadib sanadkii 2019 markii Kenya ay ku eedaysay Soomaaliya in ay beec geynta goobaha shidaalka ku dartay xeebta labada dal ku muransanyihiin, balse Soomaaliya waa diiday eedaas.

Labada dal ee dariska ah waxay sheeganayaan lahaanshaha 150,000 kiilomitir oo labo jibaar ah oo kuyaala xeebta Badweynta Hindiya, halkaas oo la sheegay in ay qani ku tahay saliid, gaas iyo kaluunka tuna.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa bisha June ee sanadkan 2020 bilaabi doonta dhagaysiga kiiska muranka badda, oo la filayo in uu noqdo kii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*