Masuul katirsan Waqooyiga Kuuriya oo sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay dagaal haddii Mareykanku uu doonayo

Askar katirsan Waqooyiga Kuuriya. [Xigashada Sawirka: AP]
Pyongyang -(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya masuul katirsan ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay dagaal haddii Mareykanku uu soo weeraro iyadoo maraakiibta Mareykanka ee diyaaradaha qaada ay ku wajahanyihiin gobolka. Waxaa jirta xan in Waqooyiga Kuuriya ay qaadi doonto tijaabadii lixaad maalinta Sabtida.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Waqooyiga Kuuriya Han Song-ryol ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in dalkiisu uu badalay istiraatiijiyadiisa milatariga labbo sanno kahor markii ay kor u kacday iskaashiga dalka ay cadaawadu ka dhaxayso ee Koonfurta Kuuriya iyo Mareykanka.

“Waxaanu haysanaa hub nukleer ah oo culus, waxaana hubnaa in hubkayagu uusan gacantayada ku jiri doonin haddii Mareykanku uu isku dayo weeraro duqayn ah,” ayuu yiri.

“Wax walba oo Mareykanka ka yimaada waanu gembiyi doonaa. Si buuxda baanu u diyaar garownay.” Ayuu ku daray.

Waxa uu wacad ku maray in Waqooyiga Kuuriya ay sii wadi doonto hubkeeda nukleerka ah “tayo iyi tiro ahaanba”.

Xiisada u dhaxaysa Pyongyang iyo Washington ayaa dib ugu noqotay sanadihii 1950 ilaa 1953 ee dagaalkii Kuuriya, kaasoo ku dhammaaday xabad-joojin, balse aan ahayn heshiis nabadeed.

Laakiin xaalada ayaa u sii kululaanaysay si dhaqso ah tan iyo markii Donald Trump uu xafiiska qabtay bishii Janaayo ee sanadkan.

Sanadkan dhoolatusyada dagaal ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa aad u balaartay ilaa iyo hadda.

Sabtidii lasoo dhaafay, maraakiibta dagaalka Mareykanka, oo ay kamidyihiin Carl Vinson oo diyaaradaha qaada, labo gantaalada burburiya iyo mid gantaalada qaada ayaa joojiyay safar uu ku aadi lahaa Australia waxaana uu jihaystay dhanka Singapore si uu uga sii aado biyaha Kuuriya, taasoo qayb ka ah jawaabta Mareykanka ee gantaalo dhawaan ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya.

Shiinaha oo saaxiib dhow la ah Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in la joojiyo xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya inta aysan gaarin xaalad adag oo aan la maareyn karin.

Madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay haddii Shiinuhu uusan dadaal ku bixin si loo cadaadiyo barnaamijka nukleerka Waqooyiga Kuuriya, in Mareykanku uu xaaladaha gacantiisa wax uga qaban doono.

Waqooyiga Kuuriya ayaa dhawaan tijaabisay gantaalada isaga gudbi kara qaaradaha iyo madaxyada gantaalada qaada kaasoo awoodi kara in ay gaaraan Mareykanka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*