Madaxweyne Erdogan: ‘Midowga Yurub su’aal ma gelin karaan dimuqraadiyadayada’

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay oo Khamiis ahayd sheegay in wadamada kale gaar ahaan Midowga Yurub aysan su’aal gelin karin dimuqraadiyada dalkiisa.

“Turkigu waa wadan kaasoo sameystay goaankiisa ku saabsan mawduuca dimuqraadiyada iyo isku xukunka sharciga 15-kii July muran la’aan,” Erdogan ayaa sidaa yiri isaga oo soo xiganayay isku daykii afgambi  ee sannadkii hore, oo ay ku dhinteen 249 qof.

“Ma ogolaan karno qaar kamid ah haayadaha iyo dowladaha, gaar ahaan Midowga Yurub, in ay suaal geliyaan dimuqraadiyada dalkayaga iyada oo loo marayo aftida natiijada 16-kii April,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay kulan lagu maamuusayay sanadguurada 55-aad ee asaaska Maxkamada Dastuuriga ah ee Turkiga.

In ka badan 50 boqolkiiba dad weynaha Turkiga ayaa u codeeyay “Haa” afti lagu kordhinayay awooda Madaxweynaha Turkiga oo dhacday 16-kii bishaan April.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*