Booliska Jarmalka oo xiray sarkaal al-Shabaab ah

German police
Booliska Jarmalka.

Booliska Jarmalka ayaa xiray 28-sanno jir jarmal ah oo looga shaki qabo inuu kamidyahay maleeshiyada al-Shabaab oo diyaarinayay ficilo rabsho leh, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Jarmalka.

Ninka ay booliska xireen ayaa lagu magacaabaa Abshir Axmed kaasoo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Frankfurt markii uu kusoo noqday Jarmalka isagoo kasoo noqday Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha.

Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in cadaymaha hor u dhaca ah ay muujinayaan in ninkaas uu ku biiray kooxda al-Shabaab sanadkii 2012-ka.

28-sanno jirkan ayaa tababar ku saabsan sida hubka loo isticmaalo kusoo qaatay gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*