Raysulwasaaraha dalka Suudaan oo ka badbaaday isku day dil

Raysulwasaaraha dalka Suudaan Abdalla Hamdok. [Sawir Hore]
Khartoum-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Suudaan Abdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala beegsaday kolonyo la socotay maanta oo Isniin ah gudaha caasimada Khartuum, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters, oo soo xiganaysa taleefishinka dowladda Suudaan iyo ilo-wareedyo golaha wasiirada katirsan.

Hamdok, kaasoo loo doortay madaxa dowlad kumeelgaar ah kadib markii Meesha laga saaray hoggaamiyihii mudada dheer talinayay Omar al-Bashir sanadkii hore, ayaa loo qaaday meel amni ah qaraxa kadib, sida uu tabiyay TV-ka dowladda.

Sawiro lagu daabacay warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada ayaa muujiyay kolonyada oo ay kamidyihiin dhowr gaari cad oo nooceedu yihiin SUV iyo kuwo kale oo si xun waxyeelo u soo gaartay.

Gaariyaal qaraxa ku waxyeeloobay. [Isha Sawirka: Twiiter]
Goobjoogayaal ayaa Reuters u sheegay in weerarku uu ka dhacay meel u dhow waqooyiga laga soo galo buunada Kober, taasoo isku xirta waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada, halkaas oo uu kuyaal xafiiska Hamdok.

Kolonyada ayaa u muuqata in laga bartilmaameedsaday korka, wararka ayaa intaas ku daray.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*