Lix qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho

Lix qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay kadib markii gaari miidaamsan uu ku qarxay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka iyo caafimaadka.

Xarunta ayaa gabi ahaanba uu qaraxu burbusrhay.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo katirsan caafimaadka, in ka badan 13 qof oo kale, oo badankood ay ahaayeen shaqaalihii degmada iyo askar, ayaa ku dhaawacantay weerarka.

Sawiro iyo muuqaalo kooban oo kasoo baxay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya qiiq balaaran oo cirka isku shareeray.

 

Qaraxa maanta oo Isniin ah waa weerarkii labaad oo ka dhan ah xarumaha degmooyinka kuyaala Muqdisho intii lagu jiray bishaan. Degmada Howlwadaag ayaa la beegsaday horaantii bishaan, waxaana ku naf weyday ugu yaraan lix qof, oo ay masuuliyada sheegatay ururka hubeysan ee Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*