Ugu yaraan 19 qof oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Koonfur Suudaan

Burburka diyaarada. [Sawirka: AFP]
Juba-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyooday dalka Koonfurta Suudaan kadib markii diyaarad yar oo sida rakaab ka yimid garoonka caalamiga ah ee Juba kuna socday magaalada Yirol ay burburtay Axadii.

Taban Abel Aguek, wasiir dowlaha warfaafinta, ayaa wakaalada wararka Anadolu u sheegay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yar, iyo duuliyihii labaad laga soo badbaadshay burburka.

Wasiirka ayaa sheegay in 22 qof ay saarnaayeen diyaaradda. Waxa uu sheegay in haaydaha ammaanku ay baarayaan sababta ka dambeysa burburka diyaaradda.

Burburka dhowr diyaaradood ayaa ka dhacay dalka ay dagaaladu ragaadiyeen ee Koonfurta Suudaan sanadihii u dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*