Raysulwasaaraha Soomaaliya: Xukuumadaydu uma dul qaadan doonto musuqmaasuqa

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xukuumadiisu aysan u dulqaadan doonin musuqmaasuqa.

“Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah uma yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax is-daba-marinta, waxaana dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa.” Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitter-ka maanta oo Sabti ah.

Khayre ayaa munaasabado badan ka balanqaaday in xukuumadiisu ay la diriri doonto musuqmaasuqa.

Balanqaadkiisa ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa, taasoo loo cayimay 9 December sanad walba.

Soomaaliya waa dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, sida Hay’adda Transparency International ay ku sheegtay warbixiinteeda sanadlaha ah ee musuqa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*