Saaxiibada Soomaaliya oo soo dhaweeyay wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka

Calamada saaxiibada caalamka ee Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Saaxiibada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed soo baxay gelinkii dambe ee Isniinta.

“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo. Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.” Aayaa lagi yiri war-saxaafadeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*