Ninkii qaaday weerar mindiyayn ahaa oo ka dhacay xarun dukaamaysi oo kutaala Minnesota oo la aqoonsaday in uu Soomaali ahaa

crossroads-center
Xarunta dukaamaysiga GrossRoads oo weerarka ka dhacay.

Minneapolis-(Puntland Mirror) Ninkii geystay weerar mindiyayn ahaa oo lagu dhaawacay ugu yaraan sagaal qof xarun dukaamaysi oo la dhaho GrossRoads Center oo kutaala waqooyiga gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la aqoonsaday inuu ahaa 22-jir Soomaali-American ah.

Guddoomiyaha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in ninka weerarka qaaday Sabtidii oo booliiska toogteen intii uu weerarka socday uu ahaa Daahir Aadan

Cabdulaahi Kulane oo ah guddoomiyaha bulshada Soomaaliyeed ayaa sheegay in bulshada ay aqoonsatay Daahir Aadan oo ka shaqayn jiray wakhtiyada qaar  sarkaal amni, uu ahaa qof fiican oo lagu kalsoonyahay.

Kulane ayaa sheegay in uusan aqoon waxyaabaha ku sababay inuu geysto weerarkaas. Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka mindiyaynta uusan xiriir la lahayn argagixiso, inkastoo kooxda Daacish (ISIS) ay warbaahinteeda sheegtay in weerarka ninka qaaday uu ahaa “askari katirsan Daacish.”

Aabaha dhalay ninka weerarka geystay oo la dhaho Aadan ayaa u sheegay wargeyska The Star Tribune in booliiska ay u sheegeen in wiilkiisii Daahir uu dhintay. Balse waxa uu sheegay in booliiska aysan sheegin faahfaahin ku saabsan weerarka ka dhacay xarunta dukaamaysiga oo uu geystay wiilkiisa.

FBI-da Maraykanka ayaa ku guda jirta baaritaanka weerarkaas mindiyaynta ahaa iyadoo ay macquul tahay in uu ahaa mid argagixiso.

Taliyaha booliiska William Blair Anderson ayaa sheegay in ninka weerarka qaaday laga soo xigtay inuu dhahayay Allah intii weerarka socday, sidoo kalena uu dadka weeydiiyay haddii qofku yahay Muslim.

ISIS ayaa sheegtay in ay iyagu ka dambeeyaan weerarkaas, balse weeraro hore oo dhacay oo ay sheegatay ayaa la aaminsanyahay in kooxda aysan qorshayn.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*