Ciidamada militariga Turkiga oo sheegay in ay talada dalka la wareegeen

turki
Ciidamada militariga oo la soo dhoobay Istanbul. Sawirka: Reuters.

Koox ciidamo Turki ah ayaa sheegay in ay talada dalka la wareegeen, iyadoo meelaha muhiimka ah ee Istanbul askar la dhigay, diyaarado jog hoose ku duulayana ay dul heehaabayaan caasimada, Ankara.

Bayaan laga sii daayay taleefishinka ayaa lagu sheegay “guddi nabad ah” in ay maanta dalka qabteen ayna jiri doonaan sharciyo militari oo lagu dhaqmayo.

Wali ma cadda cidda ay yihiin kooxda askarta ah. Waxaa jira warar sheegaya in saraakiil sare la xiray.

Madaxweyne Rajib Dayib Erdogan waxaa uu sheegay inuu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray dad tiro yar oo kacdoon sameeyay.

Mr Erdogan ayaa dadka shacabka ah ugu yeeray in ay u soo baxaan wadooyinka ayna ka hortagaan kacdoonka.

Wuxuu yiri “ Waxaan ka codsanayaa dadka Turkiga in ay isugu yimaadaan meelaha barxadaha iyo garoomada. Marna aamini mayo awood ka badan tan dadka shacabka ah.”

Mr. Erdogan ayaa sheegay inuu kusii jeedo Ankara kuwa ku lug leh ficilkana ay mudan doonaan ciqaab culus.

RW Turkiga Binali Yildirim ayaa cambaareeyay “Ficilka xun” ee kooxda militariga ah, isagoo carabka ku adkeeyay in uusan ahayn afgembi. Wuxuu sheegay in dowlada ay xukunka wali hayso.

 

Wixii war ah oo soo kordha isha ku hay Puntland Mirror.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*