Booko Xaaraam oo sii daysay 21 gabdhood oo kamid ahaa ku dhawaad 200 oo gabdho iskuulay ah oo ay afduub u haysato

chibok-girls
In ka badan 200 oo gabdho iskuulay ah oo ay kooxda Booxo Xaaraam u haysato afduub ahaan. [Sawirka: Al jazeera]
Abuja-(Puntland Mirror) Labaatan kamid ah in ka badan 200 oo gabdho Nayjeeriyaan ah oo ay Booko Xaaraam ka afduubatay iskuul kuyaala Chibok bartamihii sanadkii 2014-ka ayaa la sii daayay, sida ay sheegtay madaxtooyada Nayjeeriya.

Sii daynta ayaa daba socotay wada-xaajood u dhaxeeyay dowlada Nayjeeriya iyo kooxda Booko Xaaraam oo ay dhex-dhexaadin ka ahaayeen Laanqayrta Cas iyo saraakiil dowlada Switzerland ah, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Nayjeeriya maanta oo Talaado ah.

“Waxaa cad in 21 gabdhihii Chibok ee maqnaa la sii daayay hadana ay ku jiraan qaybta daryeelka dowlada,” afhayeenka madaxtooyada Garba Shehu ayaa sidaa ku yiri bayaan.

“Sii daynta gabdhaha… waa mid ku timid wada-xaajood u dhaxeeya maamulka iyo Booko Xaaraam waxaana dhex-dhexaadiyay Laanqayrta Cas iyo saraakiil Swiss ah,” ayuu yiri Shehu.

“Wada-xaajoodka waa sii socon doonaa.”

Lai Mohammed, oo ah wasiirka warfaafinta Nayjeeriya, ayaa sheegay in gabdhaha ay imaan doonaan magaalada Abuja galinka dambe ee Khamiista.

Booko Xaaraam ayaa qabsatay 276 gabdhood oo dhiganayay iskuul dowlada leedahay oo kuyaala Chibok habeenimadii bishii April 14, 2014-kii. Konton iyo todobo kamid ah ayaa kasoo baxsaday kooxda Booko Xaaraam.

Booko Xaaraam oo ah koox hubaysan oo ka dagaalanta dalka Nayjeeriya iyo qaybo kamid ah xadka Nayjeeriya ay la wadaagto wadamada Kaamiruun iyo Jaad ayaa la asaasay sanadkii 2009-ka, kooxda ayaa ku dishay qaraxyo iyo xabado dad gaaraya 19,000 oo qof.

 

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*