Madaxweyne Paul Kagame oo ku guuleystay doorashada madaxtinimada Rwanda

Paul Kagame. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Kigali-(Puntland Mirror) Madaxweynaha hadda talada haya ee Rwanda Paul Kagame ayaa guul ka gaaray doorashada madaxtinimada, isaga oo mar saddexaad ku guuleystay madaxweynenimada isaga oo awal 17 sanno Madaxweyne ahaa.

80 boqolkiiba codadka la tiriyay, 59 jirka Kagame ayaa helay 98.66 boqolkiiba, Xoghayaha Fulinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka Charles Munyaneza ayaa shir saxaafadeed ku sheegay.

Kagame ayaa ku guuleystay abaal marain caalami ah sida uu u maamulay iyo soo kabashada dhaqaalaha deg dega ah ee dalka kuyaala Barika Afrika tan yo xasuuqii 1994, oo qiyaastii 800,000 lagu dilay.

Taageerayaashiisa ayaa bilaabay dabaal deg kahor inta aan lagu dhawaaqin natiijada.

Waxaa uu xafiiska yimid sanadkii 1994, markii jabhadiisu ay la wareegtay caasimada Kigali, taasoo soo afjartay xasuuqii weynaa ee dalkaas ka dhacay.

Dastuurka Rwanda ayaa wax laga badalay sanadkii 2015, taasoo Kigame siisay fursad ah in uu xilka madaxweynenimada u tartami karo ilaa iyo 2034.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*