Ugu yaraan 12 qof oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen guri huteel ah oo kuyaala waqooyi-bari Kenya

Burburka guriga huteelka ahaa soo gaaray. [Sawirka: Reuters]
Burburka guriga huteelka ahaa soo gaaray. [Sawirka: Reuters]
Mandheera-(Puntland Mirror) Koox hubaysan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday maanta oo Talaado ah guri huteel ah oo kuyaala magaalada Mandeera ee gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya, waxayna ku dileen ugu yaraan 12 qof.

Afhayeenka howlgalada milatariga Al-Shabaab u qaabilsan Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyaan weerarka, isaga oo sheegay in ay bartilmaameedsadeen dad aan Muslim ahayn ayna dileen 15 qof, sida ay tebisay wakaalada wararka Reuters oo afhayeenka soo xiganaysa.

Al-Shabaab ayaa meel shaqo oo kutaala magaalada Mandheera ku dishay lix qof bilowgii bishaan Oktoobar.

Tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-ka, kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa Kenya ku qaaday weeraro taxane ah oo dhiig ku daatay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*