Booliiska Kiinya oo ka digay suurtagalnimada weeraro al-Shabaab inta lagu jiro bisha Ramadaan

Booliska Kiinya ayaa ka codsaday dadka magaalooyinka Mombasa, Malindi iyo Nayroobi in ay feejignaadaan kadib markii macluumaad sirdoon uu muujiyay in maleeshiyada al-Shabaab ay qorshaynayso weeraro ay qaado inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Bayaan uu soo saaray kormeeraha guud ee booliska Kiinya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in si wadajir ah loo ogeysiiyay in tirro weeraro ah ay kooxda argagixisada isku dayayso.

Wuxuu sheegay kormeeraha in ay dabagal ku hayaan ficilada al-Shabaab ay ka wado deegaanada xadka Soomaaliya u dhow.

Boinnet ayaa sheegay in deegaanada xadka Soomaaliya u dhow ay khatar ugu jiraan weeraradaan.

“Argagixisada waxay iska dhigayaan sida xoolo dhaqato doonaya daaqsin ama qaxooti u jeedkooduna  waa in ay dalka Kiinya soo galaan,” ayuu yiri kormeere Boinnet.

“Sidaa darted waxaanu ugu yeeraynaa dadka reer Kiinya, in badan, bulshada kuwaas oo dega deegaanada xadka in ay il-dheer ku fiiriyaan shaqsiyaadkan ayna soo wargeliyaan laamaha amaanka,” ayuu ku daray Boinnet.

Booliska ayaa sheegay in kaynta Booni iyo deegaamada dariska la ah sida, Kiyuunga, Mandheera, Waajir, Ijaara iyo Gaarisa in ay yihiin meelaha ugu khatarta badan in ay beegsadaan kooxda argagixisada ah.

 

(Warbixintan waxaa qoray wargeyska The Star ee Kiinya, waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror)

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*