Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo ku geeriyooday maxkamad dhexdeed

Maxamed Mursi ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 2013. [Isha Sawirka: AP]
Qaahiro-(Puntland  Mirror) Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ku geeriyooday maxkamad dhexdeed, sida maanta oo Isniin ah uu ku waramay taleefishinka dowladda.

Waxaa la sheegay in uu dhacay kahor kulanka maxkamada uuna geeriyooday markaas kadib.

Mursi ayaa jiray 67 sanno, waxaana uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo Masaari ah oo si dimuqraadi ah loo doorto sanadkii 2012 kadib Gugiii Carabta 2011 kaasoo lagu soo afjaray xukunkii 30-sanno ee madaxweyne Xusni Mubaarak.

Waxa uu madaxweyne ahaa keliya hal sanno afartii sanno ee la doortay kadib markii ciidamada milatariga ay xukunka ka tuureen sanadkii 2013, lana mamnuucay ururkii Mursi ee Ikhwaanul Muslimiin, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsiga.

Dhwor jeer oo hore ayaa xukumo kala duwan oo ay ku jirto xabsi daa’in maxkamad ku riday Maxamed Mursi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*