“Wakhtigan, waxaan ogaanay in duqaynta ay dishay hal argagixiye.” AFRICOM ayaa sidaas bayaan ku sheegay.
Waxay intaas ku dareen in aysan jirin wax shacab ah oo dhibbaato kasoo gaartay duqeyntaas.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu xafiiska qabtay Madaxweyne Donald Trump.
Labadii sanno ee u dambeysay in ka badan 800 boqol oo maleeshiyo Al-Shabaab u badan iyo ISIS ayaa la qiyaasayaa in lagu dilay duqeymaha Mareykanka.
AFRICOM ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya si cadaadis loo saaro ururarada argagixisada.
“Waanu sii wadi doonaa saarista cadaadiska shabakadaha argagixisada ah iyada oo isla wakhtigaas saaxiibadayada Soomaaliya ay horumarka ka samaynayaan dhulka,” sidaa waxaa yiri Janaraal William Gayler, oo ah agaasimaha howlgalada ee AFRICOM.