Puntland oo sheegtay in ay ogaatay kooxdii ka dambaysay weerarkii xarunta ganacsiga Macruuf

Xarunta Macruuf ayaa gabi ahaanba baa’baday. [Isha Sawirka: Facebook]

Boosaaso-(Puntland Mirror) Haayadaha ammaanka Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay ogaadeen cida ka dambaysa weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Macruuf ee magaalada Boosaaso.

Shir ay ku yeesheen maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha u saraysa ciidanka Puntland ayay ku sheegeen in ay ogaadeen kooxda ka dambaysa weerarkaas. Si rasmi ah uma aysan sheegin kooxda ka dambaysa weerarka balse waxay sheegeen in uu ah mid argagixiso oo ay ka dambayso mid kamid ah kooxaha argagixisada ee gobolka dagaalka ka wada.

Asbuucii hore, kooxo ku bubaysan bumbada gacanta laga tuuro ayay weerar ku qaaday Macruuf mall oo kuyaala Boosaaso, dab ka dhashay weerarka ayaa gabi ahaanba burburiyay xarunta. Labbo oo shaqaale ahaa ayaa ku dhintay weerarka, waxaana ku baa’baday hanti lagu qiyaasay $2 milyan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*