Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday qandaraaska goobo kuyaala badda oo shidaal laga baarayo

Shidaal baaris badda. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday furnaanshaha qandaraaska todobo goobood oo kuyaala badda oo shidaal laga baarayo, sida uu sheegay wasiirka ku xigeenka batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal.

Qandaraaska ayaa furnaan doona muddo sanad ah,waxaana lagu maamulayaa sharciga shidaalka Soomaaliya, sida uu sheegay wasiir ku xigeenku.

Todobada goobood ayaa la sheegay in ay kuyaalaan dowlad goboleedyada Jubbaland, Galmudg, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Puntland kuma ay jirto todobada goobood ee la sheegay in shidaal laga baarayo. Lama oga sababta balse Dowladda Puntland ayaa horey si adag uga soo horjeesatay sharciga shidaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*