Xaalad abaareed oo kajirta gobolada Puntland kadib markii xilli roobaadkii Guga uu daahay

Hal iyo nirigteeda. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xaalad abaareed ayaa ka jirta deegaanada Puntland, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Dowladda Puntland ayaa Arbacadii kulan la yeelatay haayadaha gargaarka si ay gacan uga geystaan dadka ay abaartu hayso.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Cabdiqafaar Xaange oo warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa sheegay in xilli roobaadkii Guga oo daahay ay keentay xaalada abaarta ee hadda jirta.

“Sida aad la socotaan roobkii Guga oo daahay iyo roobkii hore oo aan si fiican loo helin iyo ka soo kabashada abaartii 2017-kii, ayaa waxay sababaeen xaalad cakiran oo aad u adag in ay dalka ka jirto guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland,” ayuu yiri wasiirku.

“Waxaa jira xaalad baahsan oo biyo la’aana waxaa jirta xoolihii baad la’aan darteed in ay la’anayaan, waxaa jira in meelaha qaarkood laga soo sheegay in xanuuno ay ka dilaaceen sida shumanka.” Ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*