Milatariga Mareykanka oo sheegay in ay qaadeen duqayn ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland

Sawirka: Hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee Puntland Cabdiqaadir Muumin.

Garoowe-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in ay qaadeen duqayn ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland, Soomaaliya, waxaana lagu dilay hal qof.

“Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Mareykanka waxay qaadeen duqayn ka dhan ah ISIS ee waqooyi-bari Soomaaliya 27 November, waxaana lagu dilay hal kamid ah argagixisada,” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku sheegay.

Kornayl Cali Cabdi, oo ah sargaal katirsan ciidamada Puntland oo ku sugan magaalada Qandala ayaa sheegay in duqayntu ay ka dhacday buuro ku dhow magaalada.

“Waxaanu maqalnay dhawaaqa duqaynta oo ka dhacday deegaanada buuraleyda ah ee tuulada Dasaan oo u dhow Qandala galabta” Cabdi ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

“Duqaynta kadib maleeshiyada ISIS waxay ka carareen meesha. Waxaanu tagnay goobtii waxaana ku aragnay qayb kamid ah jirka qof dhntay.” Ayuu ku sii daray.

Horaantii bishaan, milatariga Mareykanka ayaa qaaday duqayntoodii ugu horeysay oo ak dhan ahayd maleeshiyada ISIS ee ku dhuumanaysa Puntland, waxaana lagu dilay dhowr dagaalyahan.

Bilowgii sanadkan, Aqalka Cad ayaa u ogolaatay milatariga Mareykanka awooda ay ku qaadi karaan duqaymo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo xagjiriinta kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*