Saddex qof oo ku nafwaayay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa sababay burburka gaadiid. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho maanta oo Talaado ah, sida ay sheegeen ciidanka booliiska Soomaaliya.

Qof naftiis hure ah ayaa isku qarxiyay makhaayad lagu magacaabo Al-Hindi ee degmada Xamarwayne, booliiska ayaa intaas ku daray.

Labo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaas oo dhacay xilli ay soo u dhacayeen weerarada argagixisada ee caasimada Soomaaliya ka dhici jiray.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*