Soomaaliya oo sheegtay in aysan marna gorgortan ka geli doonin muranka badda kala dhaxeeya Kenya

Wasiir dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Khayr. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan marna gorgortan ka geli doonin muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Wasiir dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Khayr oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in marnaba gorgortan iyo hadal aysan ka geli doonin muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

“Marnaba gorgortan iyo hadal kama taagna, mowqifka dowladda Soomaaliya waxa weeye in kiiska uu maxkamada ka socdo.” Ayuu yiri wasiir dowluhu.

Dhageysiga ugu dambeeya ee kiiska muranka badda labada dal oo yaalay maxkamada caalamiga ah ee ICJ shanti sanno ee u dambeysay ayaa qorshuhu yahay in uu dhaco asbuuca soo socda.

Wargeyska fadhigiisu yahay Kenya ee Daily Nation ayaa ku waramay in Kenya ay codsi u dirtay maxkamada ICJ in dib loo dhigo dhageysiga kiiska si ay u qorato koox cusub oo difaacda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*