Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda 2020 oo 35% la kordhiyay

Shirka golaha wasiiradda oo internetka ka dhacay. [Isha Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii ansixiyay ku noqoshada miisaaniyada 2020, taasoo la kordhiyay $35 boqolkiiba.

Guud ahaan kharashka miisaaniyadda la ansiiyay ayaa dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kharashaad howl fulineed, waxayna kala yihiin; Kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka Kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million.

Kororkan kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaalida cudurka Covid-19, doorashooyinka, daadadka iyo xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka la soo dersay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysulwasaaraha.

“Dakhliga guud ee dowladda ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira xaaladaha COVID-19 iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay inay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso, balse maadaama dalka deynta laga cafiyay waxa uu helayaa kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca dakhliga gudaha.” Ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Kabka miisaaniyaddan oo ah dhamaan dalka oo idil ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya aad ugu baahnayad.

Kutalogalka miisaaniyada 2020 oo golaha wasiiradda ay meelmariyeen dabayaaqadii 2019 ayaa ahaa 460 milyan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*