Isimada Puntland oo dhex-dhexaadinaya Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Kulan isimada Puntland ku yeesheen Garoowe xilligii doorashadii 2019. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xubno katirsan isimada Puntland ayaa bilaabay dadaalo ay ku soo afjarayaan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida ilo-wareedyo ka ag dhow odayaasha ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Isimada ayaa qorshuhu yahay in ay wadahadalo la yeeshaan labada masuul si ay u ogaadaan waxa uu salka ku hayo khilaafkooda, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cusmaan ayaa soo socday asbuucyadii u dambeeyay, waxaana uu si rasmi ah u soo ifbaxay markii madaxweyne ku xigeenka uu wareysi uu BBC Soomaali siiyay ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha khilaafka u dhaxeeya uu gaarsiisanyahay in aysan isa salaamin.

Axmed Cilmi Cusmaan oo loo yaqaan Karaash ayaa dhawaan qaadacay digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo isku shaandhayn kooban lagu sameeyay golaha wasiiradda.

Labada hoggaamiye oo gobolka ugu sareeya ayaa khilaaf kan lamid ah uu soo kala dhexgalay intii ay xafiiska joogeen tan iyo bishii Janaayo 2019.

Isimada Puntland ayaa ah marjaca ugu weyn markii ay timaato khilaaf noocaan oo kale. Puntland oo la asaasay sanadkii 1998 ayaa siyaasadeedu weli ku dhisantahay awood qeybsiga beelaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*