Doorashadii ugu horeysay oo hal qof iyo hal cod ah oo ka bilaabmatay Puntland

Haweenay ilmo xambaarsan oo ka codeynaysa degmada Qardho. [Isha Sawirka: Bulshaawi]
Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashada hordhaca ah ee dowladdaha hoose ee Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ka bilaabmay saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Doorashada oo ah tii ugu horeysay abid ee hal qof iyo hal cod oo ka dhacda Puntland ayaa waxaa ku tartamaya ilaa sideed urur siyaasadeed.

Doorashada degmooyinka kale ee Puntland ayaa ku xigi doona, sida u qorshaysan Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Ku dhawaad 40,000 oo qof oo saddexdaas degmo kunool ayaa maanta codkooda dhiibanaya si ay u doortaan golayaasha deegaankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*