Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland oo tagay Gaalkacyo

Amay
Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wefdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa maanta oo Isniin ah gaaray maagaalada Gaalkacyo oo shalay ay ka dhaceen qaraxyo isbiimayn ahaa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Gaalkacyo.

Tirada dhimashada ka dhalatay qaraxyo mataano ahaa oo shalay oo Axad ahayd lala beegsaday xarunta dowlada hoose ee Gaalkacyo ayaa gaartay 30 qof, halka dadka dhaawaca ahna ay yihiin ilaa iyo 50 qof, sida saraakiisha caafimaadka Gaalkacyo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas in ay iyadu ka dambayso, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay mareegaha internet-ka ee taageera kooxdaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*