Golaha degmada Dangorayo oo xalay saq-dhexe guddoomiye u doortay murashax ay dowladu wadatay

dangorayo
Xubnaha golaha degmada oo gacantaag ku doortay guddoomiyaha cusub oo ay dowladu dabada ka riixaysay. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) 19 xubnood oo dowladu ku sheegtay golaha deegaanka degmada Dangorayo ayaa habeenimadii xalay saq-dhexe doortay guddoomiye, iyadoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Sida horey uu u ogaa warsidaha Puntland Mirror Mukhtaar  Cabdiraxmaan Axmed oo ahaa murashax ay dowladu dabada ka riixaysay ayaa cod gacantaag ah loogu doortay guddoomiye.

Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan (Cukaasha) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada ahaana murashax taageero badan ka haysta dadka deegaanka ayaa qaadacay natiijada doorashadaas dhacday saqdii dhexe ee xalay, sida ay Puntland Mirror u sheegeen xubno ka agdhow.

Xubno cusub oo lagu daray golaha deegaanka

Sida uu qorayo dastuurka dowlada Puntland shuruucda golayaasha degmooyinka, xubnaha degmada Dangorayo ayaa ka kooban 21 xubnood, balse dowlada ayaa ku dartay 6 xubnood oo sharci daro ah, kuwaasoo la rabay in lagu soo saaro guddoomiyaha hadda la doortay, sida Puntland Mirror fahansanyahay.

Warsidaha Puntland Mirror oo si dhow u la socday doorashada ayaa ogsoon in saraakiil ka tirsan dowlada Puntland ay ku lug leeyihiin in xubno cusub lagu soo kordhiyo golaha deegaanka ee degmada Dangorayo.

Dhanka kale Mukhtaar Cabdiraxmaan oo horey guddoomiye uga soo noqday Dangorayo xalayna guddoomiye loo doortay oo taageero ka helaya saraakiil dowalada katirsan iyo Jamamac Dhaga-dheere oo ganacsade ah balse sheegta inuu la taliye u yahay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa taageersanaa in xubno cusub lagu daro golaha deegaanka, si uu ugu guulaysto codka xubnaha sharci darada ah ee lagu daray, taasoo u rumowday xalay saq dhexe.

Shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxaa degmada Dangorayo ka dhacay banaanbax aad u weyn kuwaasoo looga soo horjeeday qabsoomida doorashada ay dadka deegaanka sheegeen in ay dabada ka riixayaan saraakiil kamid ah dowlada.

Dadka banaanbaxayay ayaa ku qaylinayay “dooni mayno doorasho aan xalaal ahayn”.

Maamulka 18-sanno jirsaday ee Puntland ayaa waxaa la haray musuq-maasuq iyo dowlada oo aan tixgelin raabitaanka dadka shacabka ah.

Maamulka wali kuma guulaysan in uu ka gudbo doorashooyinka ku salaysan awood qaybsiga qabiilka, haddana ma muuqato saan-saan cusub oo looga gudbayo.

Dowlada hadda jirta oo uu madaxweyne ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali oo dhaqaale-yahan ah ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq baahsan oo gaaray xafiis walba oo dowli ah.

Dangorayo waxay ku taalaa gobolka Nugaal gaar ahaan dhanka deegaanka Ayaxda, waa degmo ay ku nool yihiin dad ka badan 20,000, degmada waxay saarantahay laamiga isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, taasoo ka dhigaysa magaalo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga Puntland. Waxaa degmo ahaan loo aqoonsaday xilligii dowladii dhexe Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Bare.

(Warbixintan waxaa diyaariyay wariyeyaasha warsidaha Puntland Mirror)

1 Comment

  1. Waa doorasho xaaraan ah, hal xaaraan ah nirig xaaraan ah ma dhasho, madaxweyne dhagool iyo kooxdiisa tuugada ah dalka waa baa’basheen, Pl Mirror mahdsnidiin saad noola socod siissen xaalada Dangorayo oo ah degmadaydii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*