Madaxweynaha Puntland oo magacaabay golihiisa cusub ee wasiiradda

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa magacaabay golihiisa cusub ee wasiiradda maanta oo Axad ah, afhayeenka madaxtooyada Cubdallaahi Maxamed Quraanjacel ayaa iclaamiyay.

Intooda badan golaha wasiiradda ayaa dib u soo noqday, iyaga oo wasiiro aan badnayn loo kala badalay wasaaraddaha.

Liiska magacyada golaha wasiiradda ayaa ah sidaan soo socda:

  1. Saalax Xabiib Jaamac: Wasiirka Cadaalada Arrimaha Diinta
  2. Cabdulaahi Cali Xirsi Timacade: Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha
  3. Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad: Wasiirka Amniga
  4. Cabdulaahi Saciid Caarshe: Wasiirka Maaliyadda
  5. Shire Xaaji Faarax: Wasiirka Qorsheynta iyo Xirirka Caalamiga ah
  6. Cabdifataax siciid Caynab: Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka
  7. Abshir Aw Yuusuf Ciise: Wasiirka Waxbarashada
  8. Cabdinaasir Cismaan Cuuke: Wasiirka Caafimaadka
  9. Cabdiraxmaan Barkhad Warsame: Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta
  10. Saciid Maxamed Raage: Wasiirka Dekaddaha
  11. Axmed Cilmi Karaash : Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada
  12. Maryan Axmed Cali : Wasiirka Haweenka
  13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab: Wasiirka Warfaafinta
  14. Cabdiweli Xirsi Cabdulle: Wasiirka Ganacsiga
  15. Cabdulaahi Shiikh Axmed: Wasiirka Xanaanada Xoolaha
  16. Cabdinuur Cilmi Maxamuud Biindhe:  Wasiirka Beeraha
  17. Cali Cabdulaahi Warsame: Wasiirka Deegaanka
  18. Cabdirashiid Maxamed Xirsi: Wasiirka Kalluumaysiga
  19. Cabdi Khadar Faarax Shaaciye: Wasiirka Dib u dhiska iyo Horumarinta
  20. Cabdiraxmaan Shiikh Axmed:  Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabay wasiir ku xigeeno iyo wasiir dowlayaal.

Magacaabida ayaa imaanaysa wax ka yar bil kadib markii baarlamaanka ay rideen golaha wasiiradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*