Al-Shabaab oo weerartay saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerartay saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya kadb markii gaari miinaysan ay ku qarxiyeen gudaha saldhiga maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegtay kooxda.

Deegaanka weerarka dhacay ayaa lagu magacaabaa Halgan wuxuuna ku yaalaa gobolada dhexe ee Soomaaliya wuxuu 300 km kaga beeganyahay dhanka waqooyiga ee caasimada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka maqleen saldhiga qarax aad u weyn iyo rasaas la is-waydaarsanayo kahor waaberigii saakay. Waxay soo wariyeen in wali la maqlayo rasaasta qoryaha.

“Dagaalyahanadayadu waxay weerar ku qaadeen saldhiga Halgan ee AMISOM,” afhayeenka al-Shabaab u qaabilsan howlgalada Cabducasiis Abu Muscab ayaa sidaa uu sheegay wakaalada wararka Reuters. Wuxuu intaas ku daray in kooxda ay gaari miinaysan adeegsatay kadibna ay xabado halkaas isku-dhaafsadeen maleeshiyada iyo ciidamada Itoobiya.

“Wuxuu ahaa qarax aad u weyn. Wuxuuna burburiyay albaabka hore iyo qaybo kale oo saldhiga kamid ah,” ayuu yiri Abu Muscab.

Amisom wali si dhaqso ah ugama aysan jawaabin.

Kooxda ayaa badanaa weeraro rasaas iyo bumbooyin ah la beegsata saraakiisha dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM si ay awooda uga tuurto dowlada uu reer Galbeedka taageero ee Soomaaliya.

Bartamihii bishii Janaayo, ciidamada Kiinya oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa weerar khasaaro culus kasoo gaaray kadib markii al-Shabaab ay weerar ku qaadeen waaberigii hore saldhigooda oo ku yaalay deegaanka Ceel Cade, oo u dhow xadka Kiinya, al-Shabaab waxay sheegtay in ay weerarkaas ku dishay in ka badan 100 askari laakiin Kiinya ma aysan bixin tirada khasaaraha dhabta ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*