Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif oo Muqdisho tagay

Madaxweynihii hore ee dowladii federaalka kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Sawirka: Gettyimages.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah tagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Saraakiil katirsan dowlada federaalka Soomaaliya, murashaxiinta madaxweynaha iyo boqolaal dad shacab ah ayaa madaxweynihii hore kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Saxaafada ayaa loo diiday in muddo 60-beri ah ay ay wax warar ah ka tabiyaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa la filayaa in uu murashax u yahay doorashada soo socota, balse wali si rasmiya uguma dhawaaqin.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*