Wasiirka Aarimaha Dibada Soomaaliya oo sheegay in wadan katirsan Jaamacadda Carabta uu dhexdhexaadin doono khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka

Wasiirka Aarimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wadan katirsan Jaamacadda Carabta ayaa dhexdhexaadin doona khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta.

Wasiirka Aarimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa laanta Af-Soomaaliga ee VOA u sheegay in wadan saameyn ku leh Jaamacadda Carabta uu balanqaaday in uu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya labada dal.

Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaa tan iyo markii Soomaaliya ay go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay xiisadda u dhaxeysa wadamada Khaliijka, balse xaalada ayaa sii xumaaday maalmihii lasoo dhaafay kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiska ku saabsan dekada Berbera ee u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraatka.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraatka ka jeedisay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka Masar asbuucii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*