Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo oo mar labaad fashilmatay, maxaa sabab u ah?

Xarunta dowlada hoose ee degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa maanta dhici weyday kadib markii ay hareeyeen muran xoog weyn oo ka dhashay soo xulida xubnaha golaha degmada.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dangorayo maanta oo Arbaco ah si uu goobjoog uga noqdo qabsoomida doorashada, balse doorashada ayaa dhici weyday.

Banaanbaxyo waa-weyn ayaa maanta ka dhacay degmada, kuwaasoo looga soo horjeedo qabsoomida doorashada ay dadka deegaanka sheegeen in ay dabada ka riixayaan saraakiil kamid ah dowlada.

Dadka banaanbaxayay ayaa ku qaylinayay “dooni mayno doorasho aan xalaal ahayn”.

Sida uu warsidaha Puntland Mirror u sheegay mid kamid ah nabadoonada degmada Madaxweyne Cabdiweli ayaa shirar la leh waxgaradka degmada Dangorayo, shirar ayaa wali ka socda halkaas.

Maxaa sabab u ah dib u dhaca kuyimid doorashada guddoomiyaha degmada Dangorayo?

dangorayo
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faroweyne iyo ganacsade Jaamac Dhagadheere oo dhex lugaynaya degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Iyadoo uu xilligii golaha deegaanka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal uu ku ekaa bishii lasoo dhaafay ee Juun ayaa lagu waday in bishaan September ay dhacdo soo xulida golaha deegaanka degmada iyo doorashada guddoomiyaha balse waxaa ku yimid dib u dhac.

Sidoo kale bishii lasoo dhaafay ee July oo lagu waday in doorashadu ay dhacdo ayaa lagu fashilmay in ay qabsoonto.

Dib u dhaca ayaa waxaa keenay khilaaf ka dhashay xubno cusub oo la sheegay in lagu darayo golaha deegaanka degmada oo awal ahaa sida dastuurka Puntland ee dhismaha dowladaha hoose uu qorayo 21 xubnood, balse xubno kamid ah saraakiisha dowlada oo uu kamidyahay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faroweyne ayaa sheegay in ay ku darayaan afar xubnood oo cusub taasoo ay ka biyo diideen dadka deegaanka ee degmada Dangorayo.

Warsidaha Puntland Mirror oo si dhow u la socday doorashada degmada Dangorayo ayaa ogsoon in saraakiil ka tirsan dowlada Puntland ay ku lug leeyihiin in xubno cusub lagu soo kordhiyo golaha deegaanka ee degmada.

Dhanka kale Mukhtaar Cabdiraxmaan oo horey guddoomiye uga soo noqday Dangorayo haddana u sharaxan guddoomiyaha oo taageero ka helaya Jamamac Dhaga-dheere oo ganacsade ah balse sheegta inuu la taliye u yahay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa taageersan in xubno cusub lagu daro golaha deegaanka.

Puntland Mirror ma ogsoona ujeedka gaarka ah uu ka leeyahay Jaamac Dhaga-dheere musharaxa uu dabada ka riixayo ee Mukhtaar, balse warsidaha waxaa uu ogsoonyahay in xubnaha cusub ee la doonayo in lagu daro ay dan gaar ah ugu jirto inuu xilka kusoo baxo Mukhtaar.

Dadka deegaanka degmada Dangorayo ayaa aad u taageersan Cabdiqaadir Cukaasha oo mudadii shanta sanno ahayd ee uu hayay guddoomiyaha degmada ka hirgaliyay waxqabad la taaban karo oo ay ku jiraan dhismayaal dowladeed iyo mashaariic kale oo bulshada ay ka faa’idaysteen.

Shirar ka socday asbuucii lasoo dhaafay degmada oo lagu doonayay qabsoomida doorashada guddoomiyaha ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Soo kordhinta xubnaha cusub ee golaha deegaanka ayaa sababtay in qayb kamid ah beelaha deegaanka ay codsadaan in iyagana loo kordhiyo xubnaha ay ku leeyihiin golaha deegaanka degmada Dangorayo haddii la sameeyo in beelo gaar ah loo kordhiyo xubno cusub.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa u taagan guddoomiyaha hadda xilka haya, Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan (Cukaasha), Mukhtaar Cabdiraxmaan oo horey u soo noqday guddoomiyaha degmada iyo Cabdiqaadir Maxamed Xirsi oo ah musharax cusub.

Dangorayo waxay ku taalaa gobolka Nugaal gaar ahaan dhanka deegaanka Ayaxda, waa degmo ay ku nool yihiin dad ka badan 20,000, degmada waxay saarantahay laamiga isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, taasoo ka dhigaysa magaalo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga Puntland. Waxaa degmo ahaan loo aqoonsaday xilligii dowladii dhexe Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Bare.

 

(Warbixintan waxaa diyaariyay wariyeyaasha warsidaha Puntland Mirror)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*