Garoowe oo ah caasimada Puntland ayaa waxaa ka socda diyaargaroowga ugu balaaran iyadoo labo beri ay ka harsanyihiin xuska.
Ciidamada kala duwan ee Puntland sida Daraawiista, booliiska iyo badda ayaa ku jira gaardis ay ugu diyaargaroobayaan dabaaldega, sidoo kale bulshada rayidka ah sida dhalinyarada ciyaaraha iyo ardayda iskuulada iyo jaamacadaha ayaa iyana sameynaya diyaargarow.
Waxaa la qurxiyay bilicda barxada Garoowe oo ay ka dhici doonto munaasabada ugu weyn ee dabaaldega, waxaana masuuliyiinta hortooda mari doona ciidamada, bulshada rayidka iyo sidoo kale gaadiidka dagaalka, sida masuuliyiinta dowladda ay u sheegeen warbaahinta.
Munaasabadan ayaa noqoneysa tii ugu weynayd iyadoo sanadihii u dambeeyay aan dabaaldeg balaaran la dhigin.
Amniga oo la adkeeyay
Ciidamada ammaanka ayaa la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada, halkaas oo ay ka wadaan baaritaan lagu xaqiijinayo nabadgelyada.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah xarunta madaxtooyada ee Garoowe kulan kula yeeshay saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda, iyaga oo madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan nabadgelyada guud ee Puntland iyo sida ay u socdaan howlgalada ammaanka laga sugayo inta lagu guda jiro xuska sanadguurada 21-aad.
Puntland oo la asaasay 1-dii Agoosto, 1998, ayaa ah meelaha ugu ammaanka iyo xasiloonida fiican dalka Soomaaliya.