Bankiga Adduunka oo Soomaaliya u ansixiyay $143 milyan oo wax looga qabanayo abaarta

Caruur jirkaan biyo ka dhaansanaya. [Isha Sawirka: Save The Children]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya u ansixiyay $143 milyan si wax looga qabto dadaalada ka jawaabista abaarta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka.

“Xaaladdu waa mid murugo leh, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan oo u baahi weyn qaba,” ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Taageerada maaliyadeed ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Soomaaliya ay wajahayso abaartii ugu darnayd muddo afartan sanno ah kadib markii saddex xilli roobaadkii u dambeeyay ay baaqdeen. Ku dhawaad lix milyan oo Soomaali ah ayaa abaartu saamaysay, iyadoo laga cabsi qabsi qabo in xaaladu ay isku bedesho macaluul.

700,000 qof ayaa guryahooda ka barakacay abaarta jirta awgeed. Masiibooyinka dabiiciga ah — ma ahan colaadaha — ayaa sannadihii u dambeeyay ahaa sababaha ugu waaweyn ee barakaca Soomaaliya, oo ah dal ay dagaallo aafeeyeen, kana mid ah kuwa adduunka ugu nugul isbeddelka cimilada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*