Taliye cusub oo la wareegay AFRICOM iyadoo Mareykanku kordhiyay duqeymaha gudaha Soomaaliya

Janaraal Stephen J. Townsend. [Xigashada Sawirka: MARKEITH HORACE/U.S. ARMY]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Janaraal Stephen J. Townsend ayaa maanta oo Jimce ah la wareegay xafiiska, isaga oo hoggaamin doona taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM.

Townsend ayaa sheegay in uu safarkiisa ugu horeeya uu ku tagi doono gobolka Geeska Afrika, halkaas oo Mareykanku uu kordiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyooyinka argagixisada ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu badalay Janaraal Thomas Waldhauser, kaasoo noqday howlgab kadib markii uu AFRICOM hoggaaminayay muddo saddex sanno ah.

Mar la weydiiyay in uu doonayo in uu dib u qiimeeyo sida millatariga ay uga howlgalaan gudaha Soomaaliya, ayuu Townsend sheegay in uu qiimayn doono waxkasta oo AFRICOM ay sameyso. “Waan ku qanacsanahay waxa talisku uu ka qabtay gudaha Soomaaliya, laakiin aniga oo ah taliye cusub waxaan sameyn doonaa waxa ay taliyeyaasha oo dhami ay sameeyaan,” ayuu yiri Townsend.

Townsend, ayaa horey u soo noqday taliyaha tababarka ciidamada Mareykanka, markaas kahorna, waxa uu soo hoggaamiyay xulufada Mareykanka ee dowladda islaamiga ah ee ISIS dagaalka kula galay dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Sanadkan keliya Mareykanka ayaa ka fuliyay gudaha Soomaaliya duqeymo ka badan 40, oo lala beegsaday maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo ISIS, kuwaasoo laga dilay tobonaan dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*