Dad uu ku jiro wasiirkii caafimaadka Hirshabelle oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne

Qaraxa ayaa burburiyay goobta. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof oo ay kamidyihiin wasiirkii caafimaadka maamul goboleedka Hirshabelle Sakariya Hure iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ilaa todobo qof oo kale oo ay ku jiraan ilaalada masuuliyiinta dhimatay ayaa ku dhaawacmay weerarka, wararka ayaa intaas ku daray.

Qaraxa ayaa ahaa ismiidaamin kaasoo ay geysteen labo qof oo naftood haligeyayaal ah kuwaasoo isku qarxiyay goobta oo ahayd saldhig ciidan.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dagaalo looga soo horjeedo maleeshiyada Al-Shabaab ay ka socdaan koonfurta Soomaaliya. Gobolka Hiiraan ayaa saldhig u ah deegaanada ay ka bilowdeen kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*