Guddoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug oo lagu dilay Gaalkacyo

Marxuumad Dhudi Yuusuf Aadan oo dhaqaale ay jaaliyada Mudug u soo wakiisheen guddoonsiinaysa guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.
Marxuumad Dhudi Yuusuf Aadan oo dhaqaale ay jaaliyada Mudug u soo wakiisheen guddoonsiinaysa guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii ururka haweenka Gobolka Mudug ee Puntland Dhudi Yuusuf Aadan ayaa caawa lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Marxuumada ayaa waxaa toogasho ku dilay koox baastoolado ku hubaysan wakhtigii maqribka kadib sida ay Puntland Mirror u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhudi ayaa aad looga yaqiin magaalada Gaalkacyo iyadoo kaalin weyn ka qaadatay howlaha horumarinta iyo amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wali lama oga cidda ka dambaysa dilkaas.

 

Wixii kusoo kordha warkaas dhawaan baan idiin soo gudbin doonaan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*