Sargaalkii hoggaaminayay inqilaabkii fashilmay ee Itoobiya oo la dilay

Janaraal Asaminew Tsige. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Sargaalka looga shaki qabo in uu ka dambeeyay isku daygii inqilaabkii fashilmay ee gobolka Amxaara ee Itoobiya ayaa waxaa dilay ciidanka booliiska, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa lagu dilay duleedka caasimada Amxaara ee Bahir Dar, warbixinada ayaa intaas ku daray.

Janaraal Asaminew ayaa kasoo jeeday qowmiyada Amxaara, taasoo ah tan labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya.

Waxa uu ahaa taliyaha ciidamada nabadgelyada ee Amxaara.

Axadii, inqilaabka fashilamy ayaa lagu dilay madaxweynihii maamul goboleedka Amxaara Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii Ezez Wasie.

Taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya Janaraal Seare Mekonnen ayaa sidoo kale waxaa toogasho ku dilay mid kamid ilaaladiisa gudaha caasimada Addis Ababa.

Calanka ayaa hoos loo dhigay kadib markii la iclaamiyay maalin baroor diiq ah si loo xuso dhimashada masuuliyiinta.

Xafiiska raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in kuwa badan oo ku lug lahaa inqilaabka fashilmay la xiray.

Abiy oo xafiiska qabtay sanadkii hore ayaa isbdalo waa-weyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale ka sameeyay Itoobiya, inkastoo uu weli wajahayo dhibbaato dhanka qowmiyahada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*