Toban ciidamo Turki ah oo lagu dilay labo weerar oo kala duwan oo ay geysteen PKK

sirnak
Askar Turki ah oo ilaalinaysa wado kutaala koonfurta-bari ee gobolka Sirnak.

Istanbul-(Puntland Mirror) Toban xubnood oo ciidamada amaanka Turkiga kamid ah ayaa lagu dilay labo weerar oo kala duwan oo ka dhacay koonfurta-bari ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen warbaahinta maxaliga ah.

Lix kamid ah ciidamada Turkiga ayaa lagu dilay isku-dhac dhexmaray dagaalyahanada ururka laga mamnuucay Turkiga ee PKK oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, weerarka ayaa ka dhacay magaalada Uludere ee gobolka Sirnak oo kuyaala meel u dhow xadka Ciraaq, sida ay sheegtay shalay oo Isniin ahayd wakaalada wararka dowlada Turkiga ee Anadolu.

Dhacdo kale oo lamid ah ayaa lagu dilay labo askari iyo labo waardiye tuulo lix kalena waa lagu dhaawacay weerar miinada dhulka lagu aaso ah oo ka dhacday gobolka Mardin, sida ay Isniintii shalay warisay Anadolu.

Waardiyeyaasha tuulada la dilay ayaa ahaa dad shacab ah kuwaasoo loo tababaray loona shaqaalaysiiyay in ay la dagaalamaan dagaalyahanada Kudiyiinta.

Turkiga iyo xulufadiisa Reer Galbeedka ayaa PKK ku daray liiska ururada argagixiso, PKK ayaa qaaday weeraro badan oo dhiig ku daatay oo ka dhan ah Turkiga tan iyo markii la asaasay sanadkii 1984-tii.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*