Raysulwasaare Khayre oo tagay Dhuusamareeb iyadoo uu sii kordhayo khilaafka ka dhex jira Galmudug

Raysulwasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Shiikh Shaakir oo ah madaxa xukuumada Galmudug. [Isha Sawirka: Facebook]
Dhuusmareeb-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa galabta oo Isniin ah tagay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud iyadoo uu sii kordhayo khilaafka ka dhex jira maamulka Galmudug.

Raysulwasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Shiikh Shaakir oo ah madaxa xukuumada Galmudug.

Safarka Khayre ayaa imaanaya maalin kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf uu ka tagay Dhuusamareeb kadib khilaaf soo kala dhexgalay garabka Ahlu Suna ee Galmudug.

Goor dambe xalay, Xaaf ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku sheegayo in uu gabi ahaanba burburay heshiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Jabuuti lagu saxiixay 12-kii June, 2017.

Xaaf ayaa sidoo kale ogolaaday in la qabto doorashada madaxtinimada Galmudug oo ka dhici doonta magaalada Cadaado.

Maamul goboleedka Galmudug oo ka kooban bar gobolka Mudug ah iyo Galgaduud ayaa tan iyo markii la asaasay waxaa ka dhex jiray khilaaf soo noq-noqonayay iyo farogelin kaga imaanaysay dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*