Madaxweynaha la doortay ee Gambia Adama Barrow oo lagu dhaariyay gudaha dalka Senegal

 

Madaxweynaha la doortay ee Gambia Adama Barrow oo lagu dhaariyay gudaha dalka Senegal. [Sawirka: Twitter]
Madaxweynaha la doortay ee Gambia Adama Barrow oo lagu dhaariyay gudaha dalka Senegal. [Sawirka: Twitter]
Dakar-(Puntland Mirror) Adama Barrow, ninka ku guuleystay doorashada lagu murmay ee dalka Gambia, ayaa loo caleemo-saaray madaxweyne.

Waxaa lagu dhaariyay safaarada uu dalkiisu ku leeyahay dalka Senegal, isaga oo amray askarta Gambia in ay ku sugnaadaan xeryahooda.

Waxa uu aqoonsi ka helay caalamka. Balse ninka awooda badan Yahya Jammeh ayaa diiday in uu xilka ka dego iyada oo wakhtiga xil hayntiisa ay baarlamaanka u kordhiyeen.

Hoggaamiyaasha Galbeedka Afrika ayaa ku guuldareystay in ay Mr Jammeh ka dhaadhiciyaan in uu xilka ka dego. Waxayna ugu hanjabeen in ay awooda uga tuuri doonaan xoog milatari.

Mr Jammeh ayaa looga guuleystay doorashadii bishii December kowdeedii, ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinku.

Danjireyaasha wadamada Reer Galbeedka u jooga gudaha caasimada Senegal ee Dakar, Safiirada Qaramada Midoobay u qaabilsan Galbeedka Afrika iyo saraakiisha urur goboleedka Ecowas ee ay ku midoobeen wadamada Galbeedka Afrika ayaa ka qeybgalay munaasabada caleemo-saarka, iyada oo boqolaal qurbajoog Gambian ah ay isugu soo uruureen banaanka xarunta safaarada oo ay munaasabada ka dhacday.

Ciidamada milatariga Galbeedka Afrika ayaa xarumo ka sameystay xudduda, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xoog xilka uga dejiyaan Yahya Jammeh.

Ecowas iyo Senegal ayaa dabada ka riixaya in Golaha Aamaanka ee Qaramada Midoobay ay farageliyaan.

Nayjeeriya ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay dul heehaabayaan hawada Gambia si ay u kormeeraan.

Afhayeen u hadlay ciidamada hawada ee Nayjeeriya ayaa sheegay in ay awood u leeyihiin in ay qaadaan duqaymo.

Dhanka kale, baarlamaanka Gambia ayaa shegay in wakhtiga xafiiska ee Jammeh maanta oo 19 bisha Janaayo ku beegantahay uu ku ekaa, in ay ugu dareen saddex bilood.

Wasiirka warfaafinta Gambia Sidie Njie ayaa warbaahinta u sheegay maanta oo Khamiis ah in Mr Jammeh uusan xafiiska ka tagi doonin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*