19 qof oo lagu dilay weerar mindi oo ka dhacay dalka Japan

Japan
Gaariga gurmadka deg dega ah oo taagan banaanka xarunta dadka dhimirka. Sawirka: AP.

Tokyo-(Puntland Mirror) Sagaal iyo toban qof ayaa lagu dilay weerar mindi oo ka dhacay xarun lagu daryeelo dadka qaba xanuunada dhimirka oo ku taala magaalada Sagamihara ee dalka Japan.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa dhif ku ah Japan, dhacdadaas ayaa noqonaysa tii ugu darnayd oo dad badan lagu dilo muddo sanado ah.

Booliiska ayaa xiray nin deegaanka ah, oo ay sheegeen inuu shaqaale hore ka ahaa xarunta kaasoo loo haysto inuu weerarka qaaday.

Waxaa lagu waramayaa inuu doonayay in dadka naafada ah laga diro.

Weerarka ayaa ka yaabiyay Japan, oo ah wadamada ugu nabada badan ee caalamka.

Ninka looga shaki qabo weerarka ayaa lagu sheegay magaciisa Satoshi Uematsu oo 28-jir ah.

Warbaahinta maxaliga ah ee Japan ayaa ku waramaysa in ninka weerarka looga shaki qabo uu jabiyay daaqad si uu gudaha ugu galo xarunta kadibna uu u bilaabo mindiyaynta.

Dalka Japan oo kuyaala qaarada Asia ayaa waxaa ku yar weerarada dadka badan lagu dilo, sababtoo ah waxaa dalka ka jira xadidida hubka, qofna ma qaadan karo wax qori ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*