Britain oo yeelatay Raysulwasaare cusub

British Prime Minister Theresa May speaks outside 10 Downing Street on July 13, 2016 in London, England. Former Home Secretary Theresa May becomes the UK's second female Prime Minister after she was selected unopposed by Conservative MPs to be their new party leader. She is currently MP for Maidenhead.
RW cusub ee Britain Theresa May oo ka hadlaysa 10 Downing Street. Sawirka: Gettyimages.

Britain ayaa yeelatay Raysulwasaare cusub oo haween ah oo la dhaho Theresa May, kadib markii uu maanta shaqada ka tagay RW hore David Cameron.

Theresa May ayaa waxaa xilka u dooratay boqorada Britain Queen Elizabeth.

May
Boqorad Elizabeth oo Thresa u dooratay RW cusub ee Britain. Sawirka: PA.

Kadib markii ay xafiiska la wareegtay RW cusub iyadoo oo ka hadlaysay irida hore ee xarunta RW Britain ee 10 Downing Street, waxay wacad ku martay in ay dalka ka dhigayso ‘hal qaran’ kaasoo ka shaqeeya danta dadka reer Britain.

Theresa May ayaa noqonaysa haweenaydii labaad oo UK ka noqota RW, kadib Margaret Thatcher.

RW cusub oo guda gashay soo magacaabida golaheeda wasiirada ayaa sheegtay in Boris Johnson oo ahaan jiray duqa London uu noqon doono wasiirka arrimaha dibada ee Britain.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*