Reer Cuba oo sagootiyey meydka hoggaamiyahoodii shuuciga ahaa Fidel Castro

Meydka Fidel Castro oo gaari lagu wado bartamaha magaalada Santiago oo lagu aasay . [Sawirka: AFP]
Meydka Fidel Castro oo gaari lagu wado bartamaha magaalada Santiago oo lagu aasay . [Sawirka: AFP]
Santiago-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Cuba Raul Castro ayaa hoggaaminayay tacsida ugu dambeysay ee walaakiis Fidel Castro oo ka dhacday magaalada Santiago.

Tobonaan kun oo reer Cuba ah ayaa ka qeybgalay munaasabada, sidoo kale waxaa ka qeybgalay hoggaamiyaal caalamka ka kala yimid.

Raul Castro ayaa wacad ku maray inuu xoojin doono shuruucda hanti-dhowrka iyo ujeedooyinkii kacdoonka oo uu hoggaamiye ka ahaa Fidel, kaasoo geeriyooday asbuucii lasoo dhaafay isaga oo jirey 90-sanno.

Kumaan kun oo qof oo munaasabada sagootinta ah ka qeybgalayay ayaa ku qeylinayay “Cimri dheer Fidel, waanu kula jirnaa Fidel”.

Arday ka qeybgalaysay munaasabada sagootina meydka hoggaamiyahoodii hore. [Sawirka: Reuters]
Arday ka qeybgalaysay munaasabada sagootinta meydka hoggaamiyahoodii hore. [Sawirka: Reuters]

Hoggaamiyihii shuuciga ahaa Fidel Castro, ayaa xukumayay dalka Cuba muddo ku dhow 50-sanno, iyadoo 2008-dii uu walaakiis Raul Castro xilka kala wareegay kadib markii ay xaalad caafimaad daro lasoo deristay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*