Ciidamada gadoodsan ee Puntland oo ka baxay kantaroolka koonfureed ee Garoowe

Ciidamada gadoodsan ee Puntland oo ka baxay kantaroolka koonfureed ee Garoowe. [Xigashada Sawirka: Garowe Online]
Ciidamada gadoodsan ee Puntland oo ka baxay kantaroolka koonfureed ee Garoowe. [Xigashada Sawirka: Garowe Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada gadoodsan ee Puntland oo dalbanaya mushahaarka ayaa maanta oo Axad ah isaga baxay kantaroolka koonfureed ee caasimada Puntland, Garoowe, kadib markii ay qabsadeen asbuucii lasoo dhaafay, sida saraakiil katirsan wasaaradda amniga ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Ciidamada ayaa ka baxay kadib markii odayaasha dhaqanka Garoowe ay ku qanciyeen in si nabad ku jirto loo dhammeyn doono cabashadooda, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ciidamada ayaa ka carooday kadib markii dowladdu ku guul dareysatay in ay siiso mushahaarkooda muddo ka badan sanad, sida uu muujinayo dukumenti uu arkay Puntland Mirror.

Ciidamada ayaa ku noqday saldhigyadooda rasmiga ah ee kuyaala duleedka magaalada, sida goobjoogayaashu sheegeen.

Asbuucii lasoo dhaafay, wareysi uu siiyay taleefishin maxali ah oo la dhaho “Somali Cable” Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku tilmaamay taliyeyaasha ciidamada gadoodsan sida kuwo doonaya in ay noqdaan siyaasiyiin.

Labadii sanno ee u dambaysay, magaalooyinka Puntland oo ay ku jirto caasimada ayaa goobjoog u noqday mowjado gadood ah oo ka dhashay mushahaar la’aan iyo duruufo kale oo haysta ciidamada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*